Qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa difaacay dadka laga barakiciyey Laascaanood, kuna sheegay xaalad Amni, markii ay halis ku noqdeen dadka degaanka.
Maamulka Somaliland ayaa si rasmi ah uga hadlay markii ugu horeysay dadka kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya ee laga soo masaafuriyey magaalada LaasCaanood ee Gobolka Sool.
Qoraal laba bog ka kooban oo wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland ugu talogashay wakiilada Beesha Caalamka ayaa lagu bilaabay cambaareynta hadal kasoo yeeray Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo cambaareeyay falka foosha xun ee lagula kacay dadkii ku noolaa Laas Caanood.
“Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya wuxuu doortay inuu gudbiyey akhbaaraad aan sal iyo raad laheyn iyo eedeymo ku saabsan arrimo la xiriira go’aanka sharciga iyo lagama maarmaamaanka ah ee dowladda Somaliland ay ku masaafurineyso shakhsiyaad gaar ah, oo si aan sharci aheyn ku deganaa degmada Laascaanood,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibedda Somaliland.
Qoraalka Somaliland ayaa lagu difaacay dadka boqolaalka ah ee laga soo raafay Gobolka Sool, taasoo loogu qiil sameeyay inay ahayd xaalad amni, dadkaasina ay halis ku ahaayeen dadka degaanka oo dalbaday in laga saaro, kadib falal amni darro oo halkaasi ka dhacay.
“Warbixino sirdoon iyo la-tashiyo ayaa bixiyey tilmaamo cad oo ah in shakhsiyaadkan ay halis gelinayeen ammaanka bulshada deegaanka. Sidaas darteed, dowladda Somaliland waxaa qasab ku noqotay inay tallaabo qaado, balse hab si buuxda u ixtiraamaya xuquuqda aadahana dhinacyada, oo ay ku jirto cunno, biyo iyo gabbaad ku-meel gaar ah, iyo ayada oo aan waxyeello hanti iyo mid shakhsi la gaarsiin.” ayaa ka mi dhaa qoraalka.
Somaliland waxay ku dooday in dadka ay kasoo saartay Laas caanood ay yihiin shaqsiyaad, ayna u fidisay taageero hooy, cunto iyo dhowris ah, iyadoo dhowreysa xuquuqda aadanaha, isla markaana raaceysa xeerarka caalamiga ah.
Qoraalka Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland wuxuu intiisa badan ahaa is difaac iyo weerar ay ku qaadey dowladda Soomaaliya oo ay ku tilmaantay dowlad aan dalkeeda maamulin, dadkeedana waxba u qaban karin.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA
