Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Xaalad Caafimaad ee Weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon iyo xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Xabsiyada Somaliland aysan ka jirin Xaalad Caafimaad-darro oo la xiriirta Cudurka Covid-19.
Iagoo la weydiyey xaaladda Caafimaad ee Weriye Coldoon ayaa yiri: “Ninkaa Weriyaha ah, waxa la noo sheegay in Xaalad Caafimaad-darro jirto, wuxuu leeyahay Calaamado neef mareenka ah, laakiin Calaamadaha neef mareenku ma wada noqon karaan Covid-19, intaas oo Caalamadood oo neef-mareenka ah ayaa jira, waxa keeni karta Oof.. Kooxdii Caafimaad ee aanu u dirnay waxay ka soo qaadeen (Dheecaano), Shaybaarkii lagu sameeyayna wax dhibaato ah oo lagu arkay ma jirto, gargaarkii ugu horreeyayna waa loo sameeyay.”
Maamulka Somaliland ayaa iska dhega tiray baaqyo loogu jeediyey in la sii daayo weriye Coldoon, waxaana arrintu sii cuslaatay markii caafimaadkiisu xumaaday.