Warark laga helayo magaalada Burco ee gobolka Togdheer ayaa sheegaya in ciicamada amniga ay xabsiga dhigeen Nabadoon caan ah oo si kulul u weerarra waxqabadka iyo siyaasaddaha maamulka Muuse Biixi.
Nabadoon Suldaan Maxamuud Muuse (Nabadoon Cune) ayaa xabsiga Burco loo taxaabay xalay, iyadoo aan kiiskiisa wax faahfaahin ah laga bixin, iyadoo la sheegay in warkii ugu dambeeyay ee nabadoon Cune kasoo yeeray uu ahaa weerar uu ku qaaday wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland, isgoo ku eedeeyay waxqabad la’aan colaadda Ceel Afweyn.
Maamulka Somaliland waxaa u xiran Nabadoon Boqor Cusmaan (Buurmadow) oo lagu eedeeyay inuu maamulkaasi aflagaado u geystay.