Thursday, June 26, 2025

SONNA oo ku fadeexowday Warkii ay ka qortay Qarax lala beegsaday Wasiirka Dhalinyarada [WABRIXIN]

Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa ku fadeexowday war ay ka qortay qarax xalay lala beegsaday  Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Cabdullahi Xasan Nuux.

SONNA oo dhowaan dib loo howlgeliyay ayaa warka ay ka qoray dhacdadii Qarax lala beegsaday gaariga Wasiir Nuux ku sheegtay mid macmal ah, waxayna wasiirka kasoo xigtay warar khiyaali ah oo aanu sheegin ujeedkooduna yahay si loo daboolo xaqiiqadii dhacday.

AKHRI QORAALKA SONNA EE QARAXA

Wasiir-Nuur

DHAGEYSO SIDA WASIIRKA QARAXA LALA BEEGSADAY U HADLAY WAREYSIGA VOA-DA

Warka ay qaraxa lala beegsada Gaariga Wasiir Nuux ka baahisay SONNA wuxuu hawada ku jiraa xilli casri ah oo dhacdooyinka dunida xaqiiqadooda lagu ogaan karo daqiiqado gudahood, waxaana bartiisa twitter-ka soo dhigay qaraxa wasiirka amniga gudaha oo sheegay inay ku dhaawacmeen laba qof.

Warbaahinta noocan oo kale ah, kama duwana kuwii dowladii Kacaanka, waxayna sidan ku weyn doontaa SONNA kalsooni lagu qabo wararkeeda, iyadoo waxa kaliya ee ay ka macaashto noqon doonaan sumcad xumo.

FAAQIDAAD: Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON