Tuesday, July 15, 2025

SONNA oo raaligelin ka bixisay War ay ka qortay Madaxweyne Xasan Sheekh [AKHRI WARBIXIN]

Wakaalada Wararka dowladda Soomaaliya ee SONNA ayaa dib uga noqotay, isla markaan sixid iyo raaligelin ka noqotay war si weyn loola yaabay oo ay ka qortay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wakaalada ayaa sheegtay in warka ay qortay aanu gebi ahaanka kasoo yeerin madaxweynaha, waxayna raaligelineeda u dhigtay sida soo socota:

Wakaaladda Warraka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA waxay raaligelin buuxda ka bixineysa war si khaldan ugu soo baxay bogga wakaaladda oo lagu sheegay inuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ka digay kacdoon shacbi.

Waxay wakaaladdu cadeyneysaa inaanu Madaxweynaha hadalkaasi ka soo yeerin, balse hadalka saxda ah ee uu sheegay uu ahaa isagoo la hadlayey Haweenka Soomaaliyeed inay xuquuqdooda ku raadiyaan qaab waafaqsan sharciga iyo kala dambeynta.

HOOS KA AKHRI WARKA AY QORTAY SONNA

kacdoon-xasan

Warkan oo ay qaateen boqolaal warbaahin Soomaali ah ayaa siyaabo kala duwan loo fasiray, waxaana Goobjooge.com ay hore u iftiimisay khaladka weyn ee SONNA ku kacday oo laga yaabo inuu ku lug leeyahay xaaladda kala guurka ah ee dalku marayo iyo farsamo xumo ka jirta wakaalada.

Akhri: Qormada Goobjooge ee warka ay SONNA ka qortay Madaxweynaha

SONNA oo War yaab leh ka qortay Xasan Sheekh [Madaxweynaha oo ka cabsi qaba kacdoon shacbi]

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON