Gudddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Itoobiya ayaa shaaciyey inay furan tahay tallaabo milatari oo laga qaado Dowlad goboleedka Tigrey, haddii aysan u hogaasamin amarada dowladda Fedreaalka oo ay sii wadaan jebinta Dastuurka dalkaasi.
Afhayeenka Aqalka sare ee Itooiya Aadan Faarax ayaa warbaahinta Itoobiya kasoo xigatay inay jiraan tallaabooyin suuragal ah oo laga qaado kuwa ka hor yimaada Dastuurka dalkaasi oo uu xusay Gobolka Tigreega, kaasoo diiday dib u dhigistii Doorashada Itoobiya, isla markaana qabsatay doorasho u gaara.
Tallaabooyinka laga fiirsnaayo in laga qaado Tigreega ayaa waxaa ka mida in lakala diro Baarlamaanka Gobolka Tigreega iyo in ciidamada Federalka Itoobiya loo diro gobolkaasi.
Xisbiga TPLF ee hote talada adalkaasi u hayey ayaa maamulaya Gobolkaasi, waaana ay ku hanjabeen inay iska caabin doonaan weerar kasta oo uga yimaada dowladda Federaalka Itoobiya, iyadoo laga cabsi qabo in arrintan ay isu bedesho tallaabo milateri.
Soomaaligii ugu horeeyay oo loo doortay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Itoobiya (AKhriso)
Rai’sul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa doorashada ka dhacday Gobolka Tigreega ka dhacday tilmaamay mid sharci darro ah. Wuxuu sheegay in xisbiga TPLF ay haystaan waqti ay xafiiska ku sii joogaan kaasi oo ah go’aan ay gaareen aqalka sare ee baarlamaanka bishii June.
Doorashada guud ee dalka Itoobiya ayaa dib loo dhigay sababo la xiriira feyriska Corona, taasoo keenay in waqtiga loo kordhiyo Abiy Ahmed, waxaana si cad uga hor yimid Gobolka Tigreega oo laga cabsi qabo inuu ka go’o Itoobiya.