Friday, June 27, 2025

Soomaali ku jirta Xabsiyada dalka Mareykanka oo tacadiyo iyo lagu waxyeelo loogu geystay

Dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku jira xabsiyada dalka Maraykanka ayaa loo geystey jirdil iyo tacadiyo sababtay inay soo gaaraan dhaawacyo.

Arrintan waxa soo shaac bixiyey Nin lagu magacaabo Maxamed BBC oo u ololeeya xuquuqda Soomaalida,w uxuuna sheegay dhalinyaradan oo si sharci darro ku galay Maraykanka, marna la damcay in lagu celiyo Soomaaliya ay heysato xaalad tacadiyo ah oo ba’an.

“Soomaalida waxay ku xirnaayeen labo xabsi oo ku yaala Florida, mid ka mid ah oo lagu magacaabo Galdeys ayaa waxaa ka dhacay tacadiyo, dhalinyaradaas waxay ka cabanayeen nadaafad darro, kadibna waxaa lagu buufiyay sunta indhaha, dhaawacyo badan ayaa loo geystay, markii ay arrintaasi dhacday garyaqaanadii ayaa gaaray maalintii sabtida, kadib saacado badan ayaa lagu celiyay irida si dhaawacyada looga qariyo”. ayuu yiri Maxamed BBC.

Dhalinyaradan oo qaarkood lugaha ka jabeen, qaarkoodna ay soo gaareen dhaawacyo , sida uu sheegay Maxamed ayaa waxaa la geeyay isbitaal, halkaas oo lagu dabiibay.
Codbixinta dhici doonta Talaadada waxaa lagu wadaa inay codkooda ka dhiibtaan dad waayeel.

Garyaqaano u doodaya dadkan ayaa dacwad geeyay maxkamad, taas oo soo saartay amar afar qodob ka kooban sida uu markale sharaxayo Maxamed “Afar qodob ayuu soo saaray xaakimka, kan koowaad waa in laga soo raro xabsigaas, lana galiyo mid laanta socdaalka ah, tan labaad waa in dacwadan loo gudbiyo wasaaradda caddaalada oo ay soo diraan guddi baaris ah, waxa kale oo uu amray xaakimka in dhaawacyada ay qabaan loo keeno warbixintooda oo daabacan, ugu dambeyntiina wuxuu amray in aanan dhalinyaradan lagu celin karin Soomaaliya”.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON