Wednesday, July 16, 2025

Soomaali la tartamaya Ilhaan Cumar oo si lama filaan ahu joojiyay ololihii Doorashada

C/maalik Askar oo ahaa musharaxa xisbiga Jamhuuriga ee la tartamaya Ilhaan Cumar ayaa joojiyay ololihii doorashada kursiga degmada 60B ee Minnesota.

Loolankan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee laba musharax oo Soomaali ah ay isugu soo haraan laba xisbi ee Jamhuuriga iyo Dimoqraadiga.

Sababta keentay in C/maalik Askar joojiyo tartanka ayaa sheegay inay sabab u tahay xaalad adag oo soo wajahday musharaxa, kadib marki aabihii uu dhowaan geeriyooday, xaaskiisana ay uur leedahay, isaguna uu ku jiro gabagabada waxbarashada shahaadada PHD ee jaamacadda St. Mary University of Minnesota.

Wuxuu ku adkeystay inuusan wadi karin olole doorasho, taasoo naxdin ku noqotay xisbiga Jamhuuriga, inkastoo aanu ka bixin tartanka.

Madaxa kooxda ololaha doorasahada ee C/maalik askari oo lagu magacaabo David Pascoea ayaa sheegay in Jamhuuriga ay ku adkaan doonto bedelka musharaxan, wuxuuse xusay in ololaha ay hakiyeen laakiin aysan tartanka ka bixin, wuxuuna ku adkeystay inaysan jirin sabab magaciisa tartanka looga reebo.

Goobjooge.com

SourceMPRNEWS

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON