67 Ruux oo Soomaali ah, lagana soo masaafuriyay dalka Mareykanka ayaa goor dhoweyd laga soo dejiyay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.
Diyaaradii sidey Soomaalida tarxiilka ah ayaa intii aanay Muqdisho imaan waxaa la soo mariyay garoonka Diyaaradaha ee Jomo Kenyatta, magaalada Nairobi.
5000 ku dhowaad oo Soomaali ah ayaa dalka Mareykanka la filayaa in laga soo celiyo, iyadoo hore laba jeer Soomali tarxiil ah lagu soo celiyay magaalada Muqdisho.
Dib u soo celinta Soomaalida Mareykanka aya dardar ku bilaabtay kadib markii uu talada Mareykanka qabtay madaxweyne Donald Trump.
Goobjooge.com