Booliska dalka Belgium ayaa sheegaya in bartmaha magaalada Brusells lagu toogtay nin Toorey ku hubeysnaa oo weeraray labo askari.
Ninkan oo asalkiisu yahay Soomaali ayaan weli la shaacin magaciisa, waxaana la dilay kadib markii uu Mindi ku weeraray askar ammaanka sugeysay, isagoo dhaawac fudud wejiga iyo gacanta ka gaarsiiyay labada askari. Weerarka ayaa ka dahcay degaanka Boulevard Emile Jacqmain ee bartamaha Brussels.
Ninkan falkan geystay ayaa da’diisa lagu sheegay 30 sano jir, wuxuuna ku dhawaaqayay markii uu weerarka qaaday “Allaahu Akbar”. Xeer Ilaaliyeyaasha Belgium ayaa sheegay inay aaminsan yihiin in weerarkaas uu yahay mid argagixiso.
SAWIRRO