Soomaalida Itoobiya ayaa markii ugu horeysay labo wasiir ku yeelatay xukuumada wadankaas ka dib markii Ra’isal Wasaare Haile Mariam Desalegn, uu isku shaandheyn ku sameeyay golihiisa Wasiirada.
Isku shaandheyntan ayaa timid ka dib mudaaharaadyo siyaasadeed oo dalkaas qeybo ka mid ah ka dhacay kuwaasoo horseeday in dalkaasi la geliyo xaalad deg deg ah.
Mr Hailemariam ayaa magacaabay 21 wasiir oo ay ku jiraan wajiyo cusub oo hoggaamin doono wasaaradaha Maaliyada iyo arrimaha dibadda.
List of Ethiopia’s new cabinet members
Axmed Shide ayaa laga dhigay wasiirka gaadiidka halka Cabdifitaax Sheekh Cabdullaahi loo daayay wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha oo uu horey u ahaa deegaanka Soomaalida Itoobiya ayeyna ka soo jeedaan labadaba.
Waa markii ugu horeysay ee Soomaalida Itoobiya ay golaha wasiirada federaalka Itoobiya ka helaan laba xubnood waxayna horey u lahaan jireen hal wasiir iyadoo talaabadan loo arko mid lagu abaal marinayo dowlad degaanka Soomaalida dalkaas oo ka soo horjeestay dibed baxyada looga soo horjeeda dowlada dhexe, isla markaana taageero u muujiyey qowmiyada Tigreega ee talada wadankaas awooda ku leh.
Goobjooge.com