Waxaa si weyn loo hadal hayaa geerida saxafiyadii caanka ahayd ee Hodon Axmed Siciid (Hodon Naaleeye) oo iyada iyo saygeeda ay ka mid ahaayeen dadkii lagu dilay weerarkii argagisixiso ee magaalada Kismaayo.
Baraha bulshada ee Soomaalidu ku xiriirto ayaa waxaa qabsaday tacsida iyo murugada geerida ku timid Hodan Naaleeye oo ahayd qof u go’day horumarinta dalkeeda iyo dadkeeda, isla markaana ku howlaneyd inay abuurto rajo iyadoo aamisan dalkeeda, waxaana kumanaan farriimood oo tacsi ah iyo sawiradeeda lagu wadaagay baraha bulshada.

Hodon ayaa ku dhalatay Somaliya sanadkii 1976, iyadoo ka mid ahyad qoys ka kooban yahay afar wiil iyo toddobo gabdhood. Sannadkii 1984-tii ayay iyada iyo qoyskeeda u soo haajireen dalka Kanada, gaar ahaan magaalada Edmonton, Alberta ka hor inta ay usoo wareegin magaalada Toronto sannadkii 1992-dii.
Naaleeye waxay waxbarshada dugsiga sare kaga baxaday Machadka West Humber halka heerkeeda koowaad ee Jaamacadda ay ka soo qalin jabisay Jaamacadda Windosor. Waxay sidoo kale shahaado dheeri ah ka qaadatay kuliyadda Saxaafadda.
Allaha u naxariistee Hodan waxey ifka kaga tagtay 2 wiil oo aan midkoodna gaarin 15 sano. Muddo waxey ahayd Single Mother da’ yar ama hooyo kellinimo kunool lakin markii dambe waxey isguursadeen seyga hadda qabay ee Fariid Jaamac.
Hodan waxay dalka Canada ka aasaasay Telefishanka Integration oo ay ku baahin jirtay muuqaaladda horumarka dadka Soomaaliyeed, iyadoo isaga gooshtay gobollada Soomaaliya intooda badan.

Allaha u naxariistee Hodon Naaleeye waxay lahayd Khibrad shaqo oo gaareysa 13 sano ah, waxayna hore uga soo shaqeysay telefishan iyo raadiye oo soo saare ay ka ahayd barnaamijyo dhawr ah oo ka baxay telefishanno kala duwan. Waxa ay sidoo kale madax ka soo noqotay Ha’yadda Isdhex galka Dhaqamada.
Inta aysan dhiman ka hor iyada oo ka hadlayeeyso meel xaflad ah ayaa Hodan waxa ka hadhashay waxay jeclaan lahayd in lagu xusuusto, waxayna tiri: “Aniga u jeedkeygu ma ahan in aan caan noqdo oo aan lacag sameeyo ee u jeedkaygu wuxuu yahay maxaad ka tageysa markaad dhimato oo ay dadku kuugu xusuusanayaan, marka inshaallah haddii ay dadku igu xusuustaan in aan ahay qof markasta jecel in dadka Soomaaliyeed ay noqdaan dad walaalo ah oo fahmi kara muhiimaadda waddankeena uu leeyahay”.
Hodan waxay ka mid ahayd, dadka naadirka ah ee Soomaalida ah, ee mar walbo dhanka wanaagga wax ka eega, arrintaas oo in badan ay dad badan ka xusuusnaan doonaan. Allaha u naxariistee Waxay ifka kaga tagtay laba wiil, waxaana naxdin leh inuu la dhintay saygeeda Farriin Jaamac oo ahaa ganacsade iyo wasiir hore oo maamulka Jubbaland ka tirsan.