Wednesday, July 9, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo yeelanaya heshiis iskaashi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Suudaan Cumar Xasan Axmed Al-Bashiir ayaa kulan ay ku yeesheen Magaalada Khartoum ee dalka Suudaan ku gaaray heshiis iskaashi.

Labada madaxweyne ayaa kulankooda uga wadahadlay xoojinta xiriirka labada dal, iyagoo ku heshiiyay dhismaha Guddi heer wasiir ah oo ka shaqeyn doona arrimaha iskaashiga labada dal. Iskaashiga labada  waxaa ka mida dhinacyada Kaabeyaasha Dhaqaalaha, Ganacsiga, Amniga, Dhaqanka, Waxbarashada, Tayeynta Laamaha dowladnimo ee Soomaaliya iyo kuwo kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxweyne Al Bashir , shacabka iyo dowladda Suudaan uga mahad celiyay sida ay u garab istaageen Soomaaliya  xilligii burburka, iyo waqtigan la joogaba, isagoo ka codsadey in la sii wado taageeradaasi.

Madaxweyne Cumar Al-Bashir, ayaa isna sheegay inuu ku faraxsan yahay horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsaneyso, isagoo sheegay in Suudaan ay taageeradeeda Soomaaliya sii wadeyso inta ay Soomaaliya dib cagaheeda isu taageyso. Waxaa uu sheegay inuu ku rajo weyn yahay inuu dhowaan arko Soomaaliya oo  si buuxda amnigeeda ula wareegta, taasina ay dhabbada u xaari doono horumarka dalka.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON