Friday, July 11, 2025

SOOMAALIYA OO SHARAFTEEDII KA IIBISAY SACUUDIGA..!

Haweney Soomaaliyeed oo lagu Magacaabo Hibaaq Cusmaan oo u dhaqdhaqaaqda xuquuqda haweenka ayaa qoraalay ku daabacday barta  Huffingtonpost ee  Dalka Maraykanka kana mid ah kuwo ugu afka dheer aduunka kaga hadashay arrinta muranka badan ka taagan yahay ee  dowladda Soomaliya kula heshiisay Sacuudiga in shaqaale Soomaaliyeed loo diro dalkaasi oo ay ka mid yihiin Gabdho Soomaaliyeed.

Dowladaha saboolka ah ayaa diiday inay hablohooda u diraan Sacuudiga kadib markii ay kala kulmeen dhibaatooyin waaweyn, waxaana ugu danbaysay dowlada Uganda oo gebi ahaanba ka mamnuucday gabdhaha Dalkaas inay u shaqo tagaan Dalka Sacuudiga.

Hibaaq Cismaan waxay kaloo qoraalkeeda ku gunaanaday inay ceeb weyn ku tahay dowlada Soomaaliya oo weligood laga cafin doonin haddi ay gabdho Soomaali ah  shaqo ugu diraan Sacuudiga.

Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay inay Sacuudiga u dirayso 5000 oo shaqaale ah oo isugu jira rag iyo haween, kaasoo ahaa heshiis ay wada galeen dowladaha Sacuudiga iyo Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhowaan difaacay arrintan (HALKAN KA DAAWO), waxaase weli jira mugdi ku xeeran heshiisan.

QORAALKA HIBAAQ OSMAN OO INGIRIIS AH HALKAN KA AKHRISO [GUJI]

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON