Monday, June 23, 2025

Su’aalihii ugu adkaa ee la weydiiyey Wasiir Oomaar. “Kismaayo waxaan uga joogay inuusan dagaal sokeeye ka dhicin..”

Wasiirka Duulida Hawada xukuumadda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Oomaar oo hortegay xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ayaa wajahay su’aalihii ugu adkaa ee kuy saabsan xayiraadii diyaaradaha ee magaalada Kismaayo iyo Xayiraadii Madaxweynihii hore ee Shariif Sheekh Axmed.

Xildhibaannada ugu badan ayaa si toos ah u wajahay wasiirka Duulista, iyadoo su’aalaha la weydiiyey ay ugu badnaayeen xayiraadii Garoonka magaalada Kismaayo, wuxuuna sheegay inay amarrada kasoo baxeen Hay’adda Duulista Hawada oo aysan jirin diyaarado laga xayiray Kismaayo, balse ay so saareen in diyaradaha soo maraan Muqdisho; aan si gaara loola jeedin Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed.

Wasiir Oomaar ayaa ka gaabsaday faahfaahinta xayiraada Madaxweynihii hore ee Sheekh Shariif, isagoo sheegay in dacwad ku saabsan arrintan ay taallo Maxkamadda Sare, lagana war sugo, isagoo beeniyey inay cunaqabateyn saareen Jubbaland.

Ad

Wasiirka ayaa isaga wareejiyey amarrada lagu soo rogay diyaaradaha iyo faahfaahintooda uu leeyahay agaasimaha Hay’adda Duulista Hawada.

Waxaa weli socda su’aalaha ku wajahan Wasiirka Duulista Hawada iyo agaasimihiisa oo kusoo biiray jawaab siinta xildhibaannada, waxaana muuqata in Wasiirka Oomaar uu wajahayo su’aalaha ugu adag inkastoo uu si degan oo aan faahfaahin lahayn u jawaabayo, kana leexanaya su’aalaha xasaasiga ah.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON