Ganacsatada mid ka mida suuqyada magaalada Muqdisho ayaa shaqo joojin ku dhaqaaqay kadib markii ciidamo qamaam ah ay ku soo rogeen lagu soo rogeen lacag baad oo sharci darro ah.
Ciidamo ka socda maamulka Degmada Dhakeynley ayaa saaka galay suuq Boocle iyagoo ganacsatada ka dalbaday inay bixiyaan canshuur mudoo saddex bilood oo hormaris ah, taasoo ay diideen ganacsatada.
Arrintan ayaa dhalisay buuq iyo muran dhex maray ciidamada degmada iyo ganacsatada suuqa oo diiday inay bixiyaan canshurtaasi, taasoo keentay in suuqa gebi ahaan la xiro, ganacsigiina uu istaago.
Ganacstada qaar ayaa bannaanbax ka dhigay suuqa iyagoo ka cabanaya canshuurta nooca cusub ah, waxayna sheegeen inaysan bixin doonin lacag baad ah, iyadoo maamulka Gobolka Banaadir ugu baaqay inuu soo farageliyo arrintan.
Arrintan oo ku cusub canshuuraha gobolka Banaadir uu ka ururiyo suuqyada magaalada ayaa su’aal kale dul dhigeysa halka lagu bixiyo canshuuraha maalin walba laga qaado ganacsatada.
Lama oga sababta maamulka degmada u soo rogay canshuurta noocan ah iyo cidda ka danbeysa, waxayna ganacsatada isla dhex marayeen in maamulku ka cabsi qabo xil ka qaadis, sidaasina uu ku damcay inuu hormarsado canshuurta maalinlaha ahayd.
Goobjooge.com