Friday, June 27, 2025

Suuqii Kalluunka Degmada C/casiis oo xiran maalintii labaad & Bannaanbax ka socda Muqdisho

Maalintii labaad waxaa xiran suuqa kalluunka Kulmis ee degmada C/casiis, iyadoo ganacsatada Malaayga iyo xoogsatada kalluumeysiga ay si weyn uga cabanayaan dhibaatada lagu hayo.

Ganacsatada Kalluunka ku iibiya Kawaanka Liido ee degmada CabdiCasiis ee Gobalka Banaadir ayaa wada bannaanbax, iyadoo xiray wadooyinka qaarkood, waxayna socod ku tageen taallada Daljirka Dahsoon, iyagoo u dhawaaqayey in dhulkii la iibsaday, ayna shaqeyn la’ yihiin.

Dibadbaxayaasha ayaa socodkooda ka soo bilaabay Xeebta  Liido, waxaynaa ayna ugu dambeyn isugu yimaadeen  Taalada Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere, iyagoo ku eedeeyay dowladda iyo maamulka G/Banaadir inay kumanaan qof u diidan yihiin shaqadoodii.

Ciidamada ka tirsan Dowlada Soomaaliya ayaa ku amray ganacsatada inay ka guuraan suuqaasi oo la sheegay in dhulka uu ku fadhiyo la iibsaday.

Image may contain: one or more people, sky and outdoor

 

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON