Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa ka baaqday socdaal uu ku tegi lahaa dalka Sweden, kadib is mari waa’ ka dhashay qaabka loo siinayo Visaha dalkaas.
Safaaradda Sweden ee dalka Tanzaniga ayaa diiday inay dalku-galka dalkaasi (Visa) ku dhufato Baasaboorka Diblomaasiga ah ee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ahna xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Fedeaalka Soomaliya.
Warar laga helay saxafiyiin ku sugan dalka Sseden ayaa sheegaya Xasan Sheekh Maxamuud uu baajiyey socdaal uu ku tegi lahaa dalka Sweden oo hore loo qorsheeyay, arrinta ka dhalatay Visaha darteed, isagoo diiday inuu isticmaalo Baasaboorka labaad ee Kenya oo uu heysto.
Safaaradda Sweden ee Tanzania ayaa ogolaatay in Visaha lagu dfufto warqad gaara, taasoo aan la isku waafaqin, waxayna ku doodeysaa in Baasaboorka Soomaalida aanay aqoonsaneyn oo aysan ku bixin karin Visaha dalka Sweden.
Xasan Sheekh ayaa ka mid ahaa wafdi xildhibaanno ah oo lagu casuumay shir ka dhacaya dalka Sweden oo ay qabanqaabisay Hey’adda Caalamiga ee Olof Palme International Center.