Tuesday, July 15, 2025

Taageerayaasha Cumar Faaruuq oo Shir-Masraxiyadeed dib loogu dooranayo ka furay Gaalkacyo [Yaa ka danbeeya?]

Saxafiyiin dhowr ah oo taageersan Cumar Faaruuq Cusmaan oo muddo dheer xilka xoghayenimo ee ururka NUSOJ soo hayay ayaa isugu tegay magaalada Gaalkacyo qeybta Puntland, halkaasoo la filayo inay dib ugu doortaan Cumar Faaruuq.

Shirkan oo loogu magac daray shir weynihii 4-aad e ururka saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa waxaa soo abaabulay, kana danbeeya ninka lagu magacaabo C/risaaq Sheekh Adduun oo ah la-taliyaha madaxweynaha Puntland ee arrimaha Bulshada, waxaana la yaab leh inuu weli sheeganayo xilka Guddoomiyaha NUSOJ.

Dadka ka qeyb galay furitaanka shirkaasi waxaa ka dhex muuqda oo kaliya duqa Gaalkacyo C/casiis Jaamac Guuleed,  iyo ninka Wasaaradda Wafaafinta Puntland u qaabilsan Gaalkacyo C/naasir Bedel Qalaf, waxaa kaloo shirka lagu arkay  oo dadkii ka hadlay ka mid ahaa wasiirkii hore ee Haweenka Puntland Caasha Geelle Diiriye.

Waxaa shirka la isugu keenay tobanaan saxafi oo in ka yar 10 ay ka tagtay magaalada Muqdisho, waxaana masraxiyadda Gaalkacyo loola qaxay ay muujineysaa in heerka ay gaarsiisan tahay daneysiga shaqsiyadeed iyo ku takri falka magaca saxafiyiinta dhibaateysan ee Soomaaliya.

Dhowaan ayay  ahayd markii saxafiyiinta Soomaaliyeed ay Muqdisho ku doorteen markii ugu horeysay hogaan ay leeyihiin oo uu guddoomiye u yahay Maahir Jaamac, halka xoghaye loo doortay Maxamed Ibrahim Macalimuu.

DAAWO MASRAXIYADDA SHIRKA CUMAR FAARUUQ EE GAALKACYO

Nusoj-Galkacyo

Nusoj-Galkacyo2

Nusoj-Galkacyo3

Nusoj-Galkacyo4

Nusoj-Galkacyo5

Nusoj-Galkacyo6

AKHRI WAREEGTADA LAGU MAGACAABAY SHEEKH ADDUUN

sheekh-adduun

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON