Taageerayaasha Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaanayo ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa ku qamaamay xarunta Koongareeska Mareykanka ee ay ka socotay meel marinta Doorashadii Madaxweynaha cusub ee Joe Biden.
Madaxeyne Trump ayaa u khudbeeyay Kumanaan taageerayaashiisa ah, isagoo u sheegay inay ka hortagaan meel marinta joe Biden, iyadoo muddo kadib ay taageerayaasha Trump ay xoog ku galeen qeybta hore ee Koongareeska Mareykanka.
Waxaa iska hor imaad dhex maray ciidamada amniga iyo taageerayaasha bannaanbaxa wada ee Trump, waxaana gudaha u galay xarunta Koongareeska boqolaal ka mida taageerayaasha, waxayna sitaan sawirrada Trump.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in la joojiyey kulankii labada aqal ee Mareykanka oo lagu ansixin lahaa natiijada doorashada madaxweynaha la doortay ee Jeo Biden. Iyadoo Hay’adaha AMniga ay xireen xarunta, ayna diideen in la galo ma laga baxo; waxaana xarunta laga saaray Madaxweyne ku xigeenka Mike Pence.
Xaaladda ayaa weli kacsan iyadoo Duqa magaalada Washington haweeneyda lagu magacaabo Muriel Bowser ay ku dhawaaqay bandow lagu soo rogay magaalada, waxaana Booliska caasimada uu dalbaday taageero ciidamo dheeraad ah.

