Monday, July 7, 2025

Taageerayaasha Guddoomiyaha G/Banaadir oo kulan Awood Muujin ah ku qabanaya Muqdisho

Taageerayaasha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa maanta qabanaya kulan weyn oo lagu taageerayo, laguna muujinayo taageerada uu ka heysto dadka G/Banaadir.Kulankan oo ay soo qabanqaabiyeen beelaha Muqdisho ayaa ka danbeeyay shirar magaalada Muqdisho ka dhacay oo ay wadeen siyaasiyiin iyo odayaal ka horjeeda Guddoomiyaha cusub oo u doodaya maqaamka Gobolka Banaadir.

Kulanka oo ay ka qeyb galayaan 1500 qof, kana dhacaya xilligan Hotelka City Palace ee degmada C/casiis, ayaa lagu sheegay in lagu taageerayo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir. Shirkan ayaa ka danbeeyay shir kale oo xalay yeesheen xubnaha golaha wasiirada ugu jira beesha Hawiye oo lagu taageeray Guddoomiyaha Gobolka.

Kulanka ayaa la sheegay inuu ku jiro qorshe ku saabsan in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir looga danbeeyo maamulka iyo maqaamka Gobolka Banaadir, waxayna tani soo afjareysaa olole ay wadeen xubno uu horkacayo senator Muuse Suudi Yalaxow oo culeys siyaasadeed ku furay dowladda cusub.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON