Sunday, July 13, 2025

Taageerayaasha Trump oo laga saaray Xaruntii Koongareska ee ay qabsadeen & Trump oo wajahaya casilaad

Taegeerayaasha madaxweyne Donald Trump oo kumanaan ah oo xoog ku qabsaday muddo saacado ah xarunta Koongareeska Mareykanka ee Capitol Hill ee magaalada Washington D.C ayaa laga saaray markii ay farageliyeen ciidamo gurmad ah oo loo diary halkaasi.

Bannnaabaxayaal uu soo abaabulay Madaxweyne Trump ayaa jiiray biro iyo dhagxaan iyo ciidamo booliska ah oo lagu wareejiyay dhismaha Capitol Hill, waxayna gudaha u galeen xarunta Koongareeska oo uu ka socday fadhi ay u dhammaayeen labada Aqal ee Golaha Koongareeska, kaasoo ay ku ansixinayeen codadki ay Ergooyinka Gobollada ee Electoral Collage-ka bishi hore ku doorteen madaxweyne Joe Biden.


Mudanayaasha labada aqal ee Koonagreeska Mareykanka ayaa loo daad gureeyay xarun ammaan ah, muddo saacado ah kaddib ayaa dib loogu soo celiyay howlki uu shirka ka socday, kaddib marki ay booliska soo celiyeen amaanka iyo kala danbeynta.

Arrintan waxaa cambaareeyay dhamaan mudanayaasha labada xisbi, madaxweynayaashi hore ee Mareykanka, hogaamiyaasha Koongareeska iyo siyaasiyiinta Mareykanka, iyadoo falka lagu weeraray xarunta Koongareska Mareykanka ku sheegay inqilaab dimoqraadiyadda Mareykanka.

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden ayaa weerarkaasi ku sheegtay mid aanan kaliya xadgudub ku aheyn dimoqraadiyadda Mareykanka balse ah kacdoon ka dhan ah dowladda.

Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mike Pence oo shir gudoominayay kulanki Arbacadi ee labada Aqal ee Koongareeska ayaa u sheegay kooxihi xooga ku qabsaday xarunta baarlamaanka in ay guuldarresteen, isla markaana ay xorriyadda iyo dimoqraadiyadda guuleystay.

Booliska magaalada Washington ayaa xaqiijiyay, in afar qof ku dhinteen rabshadaha ka dhacay xarunta Kongareeska, kaddib markii ay taageerasyaasha ku qamaameen xaruntaasi.

Haweeneyda ah Duqa magaalada Washington D.C ayaa magaalada gelisay Bandow ka billowday xalay lixdi maqribnimo xilliga Washington, kaasoo ku eg lixda aroodnimo ee Khamiista. Sidoo kale guddoomiyaha gobolka Virginia oo deris la ah caasimadda, ayaa bandow xalay geliyay magaalooyinka Arlington iyo Alexdandia oo ay xuduud wadaagaan Washington D.C.

Tagitaanka ay taageerayaasha Trump tageen xarunta Capital Hill ayaa ka danbeysay waxyar kaddib marki uu madaxweyne Trump kula soo hadlay bannaanbax ay isaga ku taageereen oo ka dhacay isla magaalada Washington D.C., Trump ayaa bannaanbaxaasi ka sheegay, in uusan waligiis aqbali doonin in doorashada looga guuleystay.

Trump oo aanan si toos ah u cambaareyn rabshadihi ay taageerayaashiisa ka dhigeen xarunta baarlamaanka, ayaa bartiisa twiterka qoraal iyo muuqaal uu soo dhigay ku boorriyay taageerayaashiisa, in ay guryahooda aadan.

Baraha Bulshada ku xiriirto, sida Twitter iyo Youtube ayaa muuqaalkaasi ka qaaday barahooda. Sidoo kale Twitter ayaa muddo 12 saacadood ah ka xannibay madaxweyne Trump cinwaanka uu leeyahay bartaasi, iyadoo laga digay in gebi ahaan hawada laga saari doono.

Mudanayaal ka tirsan xisbiyada Dimoqraadiga iyo Jamhuuriga ayaa si isku mida ugu baaqay madaxweyne ku xigeenka Joe Biden inuu qaado tallaabo lagu dhaqan gelinayo qodobka 25-aad oo lagu casilayo Madaxweyne Trump; waxaana sii kordhaya xubnaha xisbiga Jamhuuriga ee taageerada kala noqday Trump.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON