Wednesday, June 25, 2025

Taageeryaasha Cali Cabdalla Saalax iyo Xuuthiyiinta oo dagaal ka dhex qarxay Magaalada Sanca

Dagaal ayaa maalintii afraad ka socda magaalada Sanca ee dalka Yeman, iyadoo ay is fara saareen taageerayaasha madaxweynihii hore ee Yeman Cali Cabdalla Saalax iyo Maleeshiyada Xuuthiyiinta oo isbaheysi u dhaxeeyay.

Hogaamiyaha fallaagada Yemen ee gacanta ku haysa Sanca, madaxweynihii hore ee  Cali Cabdalla Saalax, oo sheegay inuu doonayo inuu wadahadal la yeesho xulafada uu Sacuudigu horseedka ka yahay ee taageeraya dawladda caalamku aqoonsan yahay.

Wuxuu sheegay inuu diyaar u yahay ‘in bog cusub la furo’ haddii isbahaysiga uu Sacuudigu hogaaminayo ay xannibaadda ka qaadaan waqooyiga Yemen, ayna joojiyaan weerarrada.

Hadalkiisa ayaa yimid ayadoo maalintii 4aad ayuu dagaal kharaar ku dhex marayo magaalada Sanca xoogag isaga u daacad ah iyo dagaallamayaasha Xuutiyiinta ee Iran ay taageerto.

Dadka magaalada ayaa sheegaya in dagaal wadooyinka la isku eryanayo uu socdo, ayadoo labada dhinacna uu dareenku aad u kacsan yahay. Waxay kaloo sheegeen in qaraxyo laga maqlayo koofurta magaalada oo ay u badan yihiin qaraabada Cali Cabdalla Saalax.

Dagaalka ayaa billwoday Arbacadii markii taageerayaasha madaxweynihii hore ay ku eedeeyeen Xuutiyiinta inay jebiyeen dhismaha masaajidka magaalada ugu weyn.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON