Thursday, April 18, 2024

WAR CUSUB: Amiirka Alshabaab iyo ciidamo fara badan oo uu wato oo lagu arkay Gobolka Gedo

Amiirka guud ee Al-Shabaab Axmed Diiriye Abuu-Cubeyda iyo ciidamo faro badan oo la socda ayaa lagu arkay Gobolka Gedo.

Amiirka Alshabaab ayaa la sheegay inay la socdaan ciidamo badan oo ilaalo u ah, waxaana dadka degaanka Ceel-cadde ay ku arkeen duleedka magaalada Garbahaarey ee xarunta Gobalka Gedo, iyadoo Amirka Alshabaab la sheegay inuu ka mid yahay.

Ciidamada Alshabaab oo ka yimid Gobolka Gedo ayaa lagu qiyaasay in ka badan 2000 dagaalame, taasoo shaki ku dhalisay dadka degaanka oo soo weriyay in isla degaankaasi lagu arkay diyaarado joog hoose ku duulaya.

Ad

Waxaa shaki weyn laga muujiyay ciidamada fara badan ee Alshabab kala soo baxeen Gobolka J/Dhexe una soo gudbay Gobolka Gedo, iyadoo aanay jirin cid xaqiijisay arrintan ayaa haddana waxaa loo maleynayaa inay kasoo wareegteen cadaadis uga yimid diyaaradaha dagaalka Mareykanka.

Maleeshiyada Alshabaab ee u gudubtay Gobolka Gedo ayaa la sheegay inay wataan gaadiid dagaal oo fara badan iyadoo degaanada Gobolka Gedo ay leeyihiin buuro iyo goobo looga dhuuman karo diyaaradaha dagaalka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON