Xalay ayaa waxaa Isgoyska Soobe laga taagay Taallo Bir ah oo la sheegay in lagu xusayo dadkii lagu laayey qarixii halkaasi ka dhacay 14-ka Oktoobar oo in ka badan 600 qof ay ku dhinteen, qaar kalena lagu waayey.
Taallada oo la suray bartamaha wadadda ayaa ka mida xus ay dowladda Federaalka u sameyneyso sanadguuradii koowaad ee kasoo wareegtay qarixii ugu weynaa ee lagu laayey tiradii ugu badneyd dad Soomaali ah.
Dad badan ayaa ka deyriyey xuska loo sameynayo maalintan iyagoo kuwii ka danbeeyay aan gaarin gacanta cadaaladda, isla markaana ay awood u leeyihiin inay fuliyaan qaraxyo la mida kii Soope oo kale.
SAWIRRO