Monday, June 23, 2025

Taariikh Nololeedka Cali Mahdi, sidii uu ku Geeriyooday iyo dhacdooyinkii waaweynaa ee soo maray (Warbixin)

Waxaa xalay Isbitaal ku taalla magaalada Nairobi ku geeriyooday madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed, waxaana la sheegay inuu Muqdisho ku xanuunsadeen isaga iyo xaaskiisa, kadibna loo qaaday dalka Kenya.

Dhaqaatiirta xaaladiisa la tacaaleysay ayaa sheegtay inuu u geeriyooday cudurro badan oo is-biirsaday, taasoo keenay inuu miyir beel ( Coma) galo saacadihii ka horeeyay geeridiida; markii danbena ay caddaatay in isaga yo xaaskiisaba ay qabeen xanuunka Covid-19.

“Afar ama shan cisho kahor ayuu xanuun kusoo booday isaga iyo xaaskiisa, Isbitaalka Nairobi hospital ayaa la geeyay, marka hore waxaan uga shakinay cudurka corona balse dhaqtarka wuxuu inoo sheegay in labaduba uusan heynin corona” ayuu yiri Prof. Yaxye Caamir oo ka mida dadka saaxiibka la ahaa.

Ad

Waxaa weli xanuunsan xaaska Cali Mahdi oo ku jirta isbitaalka oo xaaladeedu culus tahay, iyadoo lagula tacaalayo Nairobi Hospital. Waxaa tacsi u diray Marxuum Cali Mahdi dhammaan madaxda dalka, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaana si weyn looga dareemay baraha bulshada.

Dowladda Federaalka ayaa ku dhawaaqay Guddi qabanqaabiya aas qaran oo loo sameynayo Marxuum Cali Mahdi, waxaana hoos loo dhigay calanka, si loogu baroor diiqo geerida Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

AKHRISO TAARIIKH NOLOLEEDKIISA

- Advertisement -
Photo: Interimspräsident Ali Mahdi im nördlichen Teil der Hauptstadt von Mogadischu, 20.02.1992.

Wuxuu Cali Mahdi ku dhashay Degaanka Caddow Uul ee hoostaga degmada Cadalle, Gobolka Sh/DHexe ee Soomaaliya sanadkii 1938dii.

Cali Mahdi Maxamed wuxuu sanadkii 1968kii ka mid noqday baarlamaankii Soomaaliya ee ugu dambeeyay ee si dmoqraadi ah loo soo doorto, ka dibna uu afgembiga dalka kula wareegay kacaankii Maxamed Siyaad Barre.

Markii ay talada dalka xoogga kula wareegeen ciidamadu wuxuu u wareegay ganacsiga wuxuu ahaa ganacsade si weyn looga yaqaanno, isagoo furrtay HOTEL MAKA AL-MUKARAMA.

Sanadihii ugu dambeeyay ee maamulkii dowldii Siyaad Barre wuxuu ka mid ahaa xubnihii la magac baxay MANIFESTO ee soo saaray bayaankii loogu baaqay inuu dalka u turo oo talada isaga dego madaxweyne Siyaad Barre.

- Advertisement -

Dabayaaqadii sanadkii 1989kii wuxuu ka cararay dalka isagoo tegay Talyaaniga markii Siyaad Barre xarig kula dhaqaaqay odayaashii Manifesto, wuxuna dalka ku laabtay dhicitaankii Siyaad Barre, isagoo Guddigii Suluxa ay u doorteen inuu noqdo madaxweyne KMG ah mudada ka horreysa shirweyne dib u heshiin oo loo qabto dadka Soomaaliyeed.

Shirkii 1aad ee lagu qabtay dalka Jabuuti ka dib waxaa loo doortay mar kale in uu dalka madaxweyne ka noqdo, waxaana taasi ka hor yimid hogamiyihii USC-da General Max’ed Faarax Ceydiid, taasoo dhalisay inuu dagaal sokeeye oo lagu hoobtay uu ka dhaco magaalada Muqdisho oo u kala qeybsantay laba qeybood oo ay ka kala taliyaan Cali Mahdi Iyo Jen. Ceydiid.

Dagaalkan oo bilowday 17kii bishii Novembar sanadkii 1991dii wuxuu dhammaaday 03-dii bsihii Maarso sanadkii 1992dii. Dagaalka waxaa laga dhaxlay macaluushii ugu weyn ee abid ka dhacda Soomaaliya, taasoo keentay HOWLGALKII RAJO SOO CELINTA ee Mareykanku hoggaaminayey oo Soomaaliya milateri ahaan lagu soo farageliyey si gargaar loo gaarsiiso dadkii tabaaleysnaa.

Bishii maarso sanadkii 1996dii waxaa loo doortay in uu noqdo guddoomiyihii garab ka mida dhinacyadii uu u kala jabay ururkii USC B USC/SSA , kadibna wuxuu madax ka noqday Isbaheysigii lagu magacaabi jiray Isbaheysiga Badbaadada Soomaaliyeed ee SSA.

Shir ka dhacay dalka Ethiopia sanadkii 1997dii wuxuu ka mid noqday guddoonka Golihii lagu magacaabi jiray Golaha Badbaadada Qaranka NSC.

Heshiiskii Qaahira 1997 wuxuu guddoon wadaag ah la sameystay Xuseen Maxamed Ceydiid Guddoonkaasina waxaa lagu magacaabi jiray “LA GUDDOOMIYAHA MAAMULKA GOBOLKA BANAADIR”, markii uu shaqeyn waayay maamulkooduna wuxuu si KMG ah uga fariistay siyaasaddii dalka. Arrintan waxay dagaal kale ka dhalisay W/Muqdisho oo Muuse Suudi uu la wareegay qeybo ka mida sanadkii 1999-ka.

Wuxuu qeyb ka ahaa shirkii Carte ee dowladda Jabuuti u qabanqabisay Soomaalida, isagoo tartan u galay xilka Madaxweynaha, balse uu kaga guuleystay C/qaasim Salaad Xasan , halkaasi uu xilkii ku wareejiyay.

Kadib wuxuu ka fariistay siyaasadda isagoo Muqdisho ku noolaa inta badan, kana mid ahaa siyaasiyiinta iyo odayaasha waaweyn ee aan dalka ka bixin xaalad kasta. Wuxuu lasoo shaqeeyay dowladii Madaxweyne C/llaahi Yuusuf.

Sanadkii 2007 wuxuu madax ka noqday Guddi dib u heshiisiin oo dowladii C/llaahi Yuusuf dhistay, wuxuuna qabtay shirweyne nabadeed oo beelaha Soomaaliyeed loogu qabtay magaalada Muqdisho, shirkaaso ay hareysay joogitaankii ciidamada Itoobiya ee Koonfurta Soomaaliya.

Wuxuu ka gaabsaday siyaasadda wixii ka danbeeyay sanadkii 2009, iyo dowladihii Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh, isgoo magaalada ka bilaabay dhismaha daarta ugu dheer caasimadda oo dhinaca ku heysa xeebta Liido ee degmada C/casiis, isagoo sheegay inay leedahay xaaskiisa.

2020 Wuxuu Muqdisho ka bilaabay olole nabadeed oo lagu mideynayo beeshiisa, wuxuuna noqday Guddoomiyaha guddiga hoggaanka beesha uu kasoo jeedo ujeedkiisuna ahaa in dib u heshiisiinta la gaarsiiyo beelaha Soomaalida oo dhan.

Marxuum Cali Mahdi wuxuu aad uga horjeeday qaabka ay wax ku wado dowladda uu hoggaamiyo madaxweynaha xilligiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmajo, isagoo mar diiday inuu qaato Aqoonsi markii ciidamada dowladda u diideen inuu maro qaar ka mida wadooyinka Muqdisho.

Xalay oo Bishu ahayd 10 Maarso 2021 ayuu ku geeriyooday Isbitaalka Nairobi Hospital, waxaana geeridiisa laga dareemay Soomaalida dhexdeeda.

Goobjooge

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON