Tababaraha kooxda Liverpool Jürgen Klopp ayaa la xaqiijiyay in isbitaal la dhigay kadib xanuunka loo maleynayo inuu nooca qabsinka yahay oo soo wajahay.
Kooxda Liverpool oo maanta garoonkeeda Anfield kula ciyaari doonta kooxda Sunderland ayaa waxaa hadda hogaaminaya tababara xigeenada Zeljko Buvac, Peter Krawietz, Pepijn Lijnders iyo John Achterberg inta uu maqan yahay Jürgen Klopp .
Klopp ayaa ka qeyb qaatay kulanka ka hor shirka jaraa’id ee la qabto Jimcihii laakiin waxaa loo qaaday isbitaalka kadib markii xanuun la soo dersay.
Gooobjooge.com