Monday, July 14, 2025

Tahriibayaal Soomaali ah oo ku geeriyoodey Doon kula degtay xeebaha dalka Masar

Dad ka badan 13 qof oo Soomaali ah ayaa la sheegay inay ku dhinteen kadib markii ay Baddu la degtay doon ay saarnaayeen, meel aan ka fogeyn biyaha dalka Masar, waxaana sidaasi faafioyay maanta wargeysyada dalka Masar qaarkood.

Tahriibayaasha ayaa ku jeedey dalalka Yurub markii doontu degeysey, waxaana saarnaa doonta degtey dad ka badan 131 qof oo u dhashey dalal kala duwan. Ciidamada badda ee dalka Masar ayaa  badbaadiyey 105 qof. Doonta degtey ayaa ka baxdey xeebaha Masar maalintii Khamiistii hore.

Jariirada Cairo Post ayaa sheegaysa  Meydkooda la helayo afar qof oo Soomaali ah iyo hal qof oo Masri ah, waxaana la baadigoobayaa meydadka aan weli la helin oo ka badan 15 qof.

Afhayeenka ciidamada magaalada Kafr El Sheekh Maxamed Samir ayaa ka codsadey dadka aaminsan in ehelkoodu ay la socdeen doontaas in ay tagaan isbitaalka magaalada isla markaana si ay u aqoonsadaan meydadka.

Dhowaan ayay ahayd markii xeebaha Masar lagu arkay qoys Soomaali ah oo ka kooban 4 qof meydadkooda.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON