In ka badan 11 dhallinyaro Soomaali iyo 10 Itoobiyaan ah ayaa lagu xiray dalka Masar, iyadoo lagu eedeeyay in ay sharci darro ku galeen dalka Masar iyagoo tahriib ah.
Wargeyska Cairo Post ee kasoo baxa Masar ayaa saaka daabacay in Jimcihii shalay dhallinyaradaasi lagu qabtay Magaalada Luxor ee koofurta Dalka Masar iyaga oo sharci darro ku galay dalkaasi oo doonayay inay ka suu gudbaan.
isla Arbacadii ayaa 72 Soomaali ah ayaa sidoo kale lagu xiray Masar, waxayna ka mid ahaayeen 100 Qof oo sharci darro ku galay Dalka Masar, iyagoo qorshahoodu ahaa inay u tahribaan Qaaradda Yurub.
Inta badan dadkan ayaa Tahriibayaal ah,waxaan ay doonayaan in ay Dalka Masar ka galaan Qaaradda Yurub halkaas oo ay joogaan dallaaliin Soomaali iyo masaari ah, una fududeeya dadka Tahriibaya inay yimaadaan Masar.
Ciidamada ilaalida xuduudka dalka Masar ayaa adkeeyay soohdimaha ay la wadaagaan Suudaan, halkaas oo inta ugu badan ay ka soo galaan Dalka Masar. Xabsiyada Dalka Masar ayaa waxaa ku xiran boqolaal Soomaali Tahriibayaal ahaa kuwaas oo Masar ay ku eedeysay in Sharci darro ku joogaan Dalkeeda.
Goobjooge.com