Tahriibayaal Soomali ah ayaa ku dhintay kadib markii lagu xiray Konteenar saarnaa gaari ay ku socdaalayeen dalka xuduudka u dhaxeeya Tanzania iyo Kongo si loogu qariyo iyagoo ku sii jeeday dalka Simbabwe, kadibna uga gudbi lahaa Koonfur Afrika.
Wakaalada wararka Tanzania ayaa shaacisay in 15 tahriibayaal Soomaali ah ay ku dhinteen Konteenarka lagu xiray. Konteenarkaan ayaa la sheegay inay ku jireen 50 Soomaali ah Ddhimashada dadkaan la ogaaday markii boolisku maqlay cod kasoo yeerayay Konteenarka gudahiisa kadibna Darawalka lagu amray inuu furo.
Booliska ayaa sheegay in Konteenar xagiisa hore lagusoo raray jawaano digir ah, halka dambena waxay sheegeen in lagusoo qariyay tahriibayaasha Soomalida, si aan looga shakin. 30 kamid ah dadka badbaaday ayaa lagasoo xigtay inay sheegeen in Konteenarkaan ay la socdeen uusan ahayn midkii ay kasoo raaceen dalka Tanzania, waxayna booliska u sheegay midkaan inuusan lahayn hawo, taasoo sababtay rakaabka ay u dhintaan cabur iyo neef qabatow.
DAAWO SAWIR NAXDIN LEH
Goobjooge.com