Taksiile Soomaali ah oo ka shaqeysta maagaalada LOUISVILLE, Kentucky ee dalka Mareykanka ayaa weerar lagu qaaday iyadoo dhaawac ka soo gaaray.
Darwalka Soomaaliga ah oo wada tagaasiida loo yaqaano Yellow Cab ayay haleeshay xabbad sababtay inuu noqdo qof baaralays oo aan socon karin. Wuxuuna xiliga la soo weeraray ku sugnaa xaafada Parkland ee magaaladaasi Louisville gaar ahaan wadada Hale Avenue.
Shilkan oo dhacay subaxnimadii Khamiistii ee la soo dhaafay ayaanay weli jirin cid loo soo xiray fal dambiyeedkan. Jaaliyada Soomaalida ah ee magaaladaa ayaa sheegtay in ninkaa dhaawaca loo geystay oo lagu magacaabo C/Raxmaan Geele Maxamed uu Mareykanka joogay laga soo bilaabo 2007.
Goobjooge.com