Taliska Booliska ayaa soo saaray digniin culus oo ku socot dadka Muqdisho, gaar ahaan dadka wata baabuurta oo lagu amray in laga bilaabo maanta 18-ka July 2019 aysan baabuurtooda dhigi karin wadooyinka waaweyn ee G/Banaadir.
Qoraal ay soo saartay taliye ku xigeenka Booliska Gen. Zakiya Xuseen ayaa lagu yiri: “Danta amniga awgeed laga Bilaabo manta taariikhdu tahay 18/07/2019 waxaa G/Banadir gaar ahaan wadooyinka halbowlaha ah laga mamnuucay dhigista baabuurta (parking). Muwadininta G/Banadir waxaa ka codsaneenaa in fejignaan dheer ka yeeshaan goobaha baabuurtooda dhigtaan”.
Waxay kaloo intaas ku dartay in hay’adaha Amniga ay la wareegi doonaan Gaadiidkii la dhigo wadooyinka, ,waxaana ay Shacabka ku nool gobolkan Banaadir u gu baaqday inay la Shaqeeyaan lamaha Amniga Soomaaliya.
“ Waxaana lagu wargeinayaa in baabuurkii meel la iska dhigo ay heyadaha amniga la wareegi doonaan. Hadaba muwaadin la shaqey heyadaha amniga si aan dhammanteen u shacabka uwada badbaadino. Baabuurkii aad ka shakisid fadlan wac 991 kuna wargeli ciidanka amniga” ayay qoraalkeeda ku tiri Jeneraal Zakiya.
Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo waaxda nadaafadda G/Banaadir ay dhowaan olole ku qaaday baabuur taallay Wadadda Maka Almukarama oo qaarkood lugaha laga banjariyey.