Sunday, July 6, 2025

Taliska Booliska oo shaaciyey magacyada Ciidamadii lagu dilay weerarkii Kaaraan & Tallaabo ay qaadi…

Taliska ciidamda Booliska ayaa ka warbixiyey weerar shalay lagu qaaday xarunta Degmada iyo Saldhigga Booliska Kaaraan oo lagu dilay askar ka tirsan Booliska.

Afhayeenka Ciidmada Booliska Sadiiq Duudishe oo shir jaraa’id ku qabtay degmada Kaaraan ayaa sheegay weerarkii shalay ay geysteen Burcad ciidan-u-yaal ah, laguna dilay laba askari oo Boolis ah iyo qof shacab ah degmada kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Askarta Booliska ee la dilay ayaa magacyadoodu kala yihiin: Dable Ciise Xasan Cusman iyo Dable Caamir C/llaahi Xiirey, wuxuuna afhayeenku sheegay in la daba joogo Burcadii falkaasi ka dambeysay, lana hor keeni doono sharciga.

Maleeshiyo ka amar qaadata saraakiil ka tirsan ciidamada Milateriga oo dowladda Soomaaliya u raadineyso dembiyo ay galeen ayaa la sheegay inay qaadeen weerarkii shalay ka dhacay degmada kaaraan ee Muqdisho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON