Thursday, April 18, 2024

Shan Qodob oo ku qarsoonaa Bandhiggii Muqdisho ee Midowga Musharixiinta xilka Madaxweynaha (Akhriso)

Xalay waxaa Muqdisho ka dhacay kulan weyn oo ay soo abaabuleen Musharixiinta Madaxweynaha ee ku midoobay Golaha, kuwaasoo khudbado u jeediyey taageerayaal fara badan oo la isugu keenay Hotel ku dhow isgoyska KM.

Kulankan oo si weyn looga shaqeeyay ayaa ujeedkiisu ahaa in lagu xoojiyo cadaadiska la saarayo Madaxweyne Farmaajo si uu wax ka bedel ugu sameeyo Guddiyada Doorashada iyo arrimaha kale ee hortaagan inay Doorasho la isla ogol yahay dalka ka dhacdo.

Arrimaha kulankan uu xambaarsanaa ee ku dhex qarsoonaa waxaa ugu waaweynaa:

Ad

1- AWOOD MUUJIN

Kulankan ayaa lagu muujiyey awodda musharixiinta oo ciidamo daacad u ah iyo saraakiil Amnigooda qaabilsan ay sugayeen Amniga Hotelka uu kulanku ka dhacay, waxaana xusid mudan in isla Hotelkaasi ay ciidamada Amniga dowladda ka joojiyeen xaflad uu ku qabsan lahaa mid ka mida musharixiinta xalay ka hadlay Kulanka.

2- IS-DIFAACID

- Advertisement -

Khudbooyinka Musharixiinta jeediyeen waxaa ka wada muuqday inay iska difaacayeen eedeyn suuqa u gashay oo ah inay wadaan dagaal iyo qalalaase, ayna doonayaan inay fowdo abuuraan iyado adeegsanaya ciidamo beeleeed. Musharixinta intooda badan waxay ku celcelinayeen inaysan dagaal dooneynin, iyadoo dhinaca kale ee Madaxweyne Farmaajo ku leexiyey inuu dalku ku wado xaalad halis ah oo dhalin karta dagaal.

3- TIJAABIN TAAGEERAYAASHOODA

Taageerayaasha musharixiinta ee hoolka la isugu keenay waxay ahayd arrin kale oo muujisay inay awood u leeyihiin abaabulka dad badan oo Muqdisho ku nool, inkastoo aysan taasi caddeyn u noqon karin inay heystaan taageerada shacabka, haddana waxaa la shaqeeya dhalinyaro abaabul fiican.

4- FAR KU FIIQIDDA FARMAAJO

- Advertisement -

Musharixiinta waxay ka siman yihiin inay si adag ula hadlaan madaxweynaha waqtiga kasii dhammaanayo ee Maxamed C/llaahi Farmaajo, mid kastana wuxuu baaqiisa si toos ah ugu socday Villa Somalia, marka laga reebo hal musharax oo ah Xasan Cali Kheyre, kaasoo weli ku dhiiran karin inuu cambaareeyo madaxweynihiisa.

5- TALLAABADA XIGTA EE LA QAADAYO

Musharixiinta waxay isku dayeen inay tageerayaasha u jiheeyaan tallaabada xigta ee ay qaadi doonaan haddii aan xal loo helin muranka doorashada oo ah in la bilaabayo bannaanbaxyo looga horjeedo Madaxweyne Farmaajo oo qaarkood ay ballanqaadeen inay hoggaamin doonaan.

Guudahaan Kulankii bandhigga ahaa Musharixiinta wuxuu ugu dhammaaday si guul ah, laakiin waxay wax kasta ku xirnaan doonaan tallaabada uu qaado Madaxweyne Farmaajo oo ilaa hadda iska dhega tiraya qeylo-dhaanta ku socota.

GOOBJOOGE

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON