Taliska Booliska ayaa faahfaahin ka bixiyey qasaaraha ka dhashay qarax is-miidaamin ahaa oo qof natii-halige ah uu ku qaaday saldhigga Booliska degmada Waaberi, ee magaalada Muqdisho.
Afhayeenka ciidamada Booliska Saadiq Doodishe oo saxaafadda kula hadlay saldhigga qaraxa ka dhacay, kadib saqdii dhexe ayaa sheegay in qaraxa uu geystay qof is-miidaamiye ahaa, qasaaruhuna uu yahay 6 dhimasho ah iyo lix dhaawac ah.
Dadka dhinta waxaa ka mida taliyihii saldhiga Waaberi Gaashaanle Axmed Cabdulahi Baashane, Gaashaanle C/Baasid Maxamuud Cageey -Taliye xigeenkii Qeybta Waliyow, waxaa kaloo ku dhintay laba askari iyo qof Shacab ah.
Alshabab ayaa sheegtay weerarka caawa lagu qaaday Saldhigga Booliska degmada Waaberi, iyadoo sheegatay inay ku leysay saraakiil fara badan.
Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo ku sugan dalka Sacuudiga ayaa cambaareeyay weerarka, tacsina u diray saraakiisha lagu dilay.
