Tuesday, July 1, 2025

Taliska Booliska oo War kasoo saaray Weerarka ka socda Hotel ku dhow Villa Somaliya

Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa saacado kadib warkii ugu horeeyay oo rasmi ah kasoo saaray weerarka caawa ka socda Hotelka Villa Rosa ee ku yaalla xeydnaabka Madaxtooyada una dhow Xabsiga Godka Jilacow ee hay’adda NISA.

Qoraal kooban oo Booliska soo saaray ayaa lagu sheegay inuu socdo hawlgal ay ciidamadu ku doonayaan inay kusoo afjaraan weerar argagixiso oo a ka socda hotel Rays oo u dhow madaxtooyada Soomaaliya.

“Caawa fiidkii ayaa koox Khawaarij ah waxa ay weerareen Hoteel Ganacsi oo ku yaalla degmada Boondheere Ciidamada Amniga ayaa wada hawlgal lagu soo afjarayo weerarka Khawaarijta. Waxaa goobta laga badbaadiyay dad isugu jira Shacab iyo mas’uuliyiin…” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Booliska.

Alshabaab ayaa sheegatay Qaraxa iyo weerarka caawa lagu qaaday hotel ku yaalla qeybta ugu amniga badan Muqdisho, taasoo su’aamlo badan la iska weydiinayo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON