Thursday, May 2, 2024

Rasaas Weli ka socota Hotelka Villa Rosa ee Xeydaabka Madaxtooyada iyo Dad ku dhintay…

Rasaas ayaa weli laga maqlayaa Saqda Dhexe kadib, iyadoo ay weli Hotelka Villa Rosa ay ka dhex dagaalamayaan Dabley ka tirsan Alshabaab oo xalay fiidkii weerar qarax ku bilowday ku galay.

Hotelka oo ku dhow Xabsiga Godka Jilacow iyo xarunta madaxtooyada ayaa waxaa deganaa mas’uuliyiin isugu jira wasiiro, siyaasiyiin iyo xildibaanno, waxaana ku shira madaxda dowladda, iyadoo lasoo weriyey qasaare kala duwan.

Waxaa laga soo badbaadiyey mas’uuliyiin kala duwan, waxayna taliska Booliska sheegeen inuu socdo howlgalja lagu ugaarsanayo dableyda Hotelka ku jirta ee ka dhex dagalaameysa.

Ad

Qasaaraha ayaa weli soo baxaya, waxaana lasoo weriyey dhimashada dadkii ugu horeeyay ee weerarka Hotel Villa Rays. Dadka ku dhintay waxaa ka mida Maxamed Sayid Xasan oo ka mida Qurbe joogta Soomaalida oo dhowaan ka yimid UK.

Hotelka waxaa dhaawac aan qarax iyo rasaas ahayn kasoo gaaray wasiirka Amniga, halka laga badbaadiyey wasiiro iyo xildhibaanno ku sugnaa, weli waxaa soo baxaya faahfaahinta qasaaraha weerarka.

Ciidamada Amniga ayaa xiray guud ahaan goobta Hotelka ee weerarku ka dhacay oo markiii horeba aan shacabka loo ogoleyn, balse lama oga sida ay dagaalamayaasha Alshabaab ku gaareen.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON