Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa Wa cusub kasoo saaray arrinta Wasiirka Amniga maamulka Jubaland ee ka baxsaday gacanta ciidamada NISA, haddana ku sugan Gobolka Gedo markii uu saaka ka yimid magaalada Nariobi.
Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay inuu si rasmi ah u dalbaday soo qabsho (Barwo) caalami (International Warranty) oo loogu soo gacan gelinayo Wasiirka baxsadka ah ee Amniga Jubbaland C/rashiid Xasan Nuur Janan, kaasoo todobaadkii hore ka baxsaday Cadaaladda.
Dowladda Federaalka ayaa xiriir la sameysay Hey’adda Booliska Adduunka Interpol, waxayna sidoo kale ka codsatay dowldda Kenya inay soo qabato, una soo gacan geliso dowladda Soomaaliya si sharciga loo horkeeno.
Warka taliska Booliska ayaa soo baxay iyadoo Kenya ay C/rashiid Janan dib ugu soo celisay saaka Gobolka Gedo, isagoo halkaasi ka bilaabay abaabul ka dhan ah dowladda Soomaaliya.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA
