Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa Amar kasoo saaray askari ka tirsan ciidamada Booliska oo 21-kii bishan qof shacab ah ku dilay magaalada Muqdisho.
Sida uu sheegay afhayeenka ciidamada Booliska Qaasim Axmed Rooble taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa amar ku bixiyay in Hay’addaha amaanka ay gacanta ku soo dhigaan askariga dilka geystay oo baxsaday.
Afhayeenka ayaa sheegay in markii la isku dayay in la qabto askariga uu baxsaday isagoo rasaas ku furay, wuxuuna intaas ku daray in lagu magacaabo saddex alifle Yuusuf Maxamuud Maxamed isagoo si ulakac ah u dilay nin la oran jiray Abshir C/llaahi Axmed.
Dilka qofka shacabka ah ayaa dood weyn ka dhex dhaliyay ehelada ninka la dilay oo diiday inay aasaan iyo ciidamada Booliska, waxayna ku eedeeyeen in amar dilka uu bixiyay taliyaha saldhiga Heliwaa.
DHAGEYSO