Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa War cusub kasoo saaray weerarkii Alshabaab ku qaaday maanta Saldhigga ciidamada Mareykanka iyo Kumaandooska Soomaaliya ee Balidoogle.
Qoraal AFRICOM ayaa sheegay in ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa Mareykanka ay jawaab ka bixiyeen weerar Gaadiid qaraxyo ka buuxaan lagu soo qaaday oo lagu weeraray Saldhigga Balidoogle, iyadoo weerarkaasi laga jawaabayo is-difaac ahaan waxay ciidamada Mareykanka qaadeen laba duqeyn, waxayna adeegsadeen hubka fudud oo ay kula dagaalameen Alshabaab, waxaana lagu dilay 10 argagixiso, iyadoo la burburiyey hal gaari oo weerarka ku lug lahaa.
Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afrika u qaabilsan howlgallada Gen. William Gayler ayaa sheegay inkastoo uu weerarku fashilmay inuu haddana caddeyn u yahay halista taagan ee Alshabaab ku hayaan Maryekanka, saaxiibadood iyo danihiisa Gobolka, wuxuna intaas ku daray inaysan taasi ka weecin doonin Mareykanka in dagaalka lagu jiro iyo cadaadiska lagu argagixisada.
AFRICOM wuxuu sheegay inuusan jirin qasaare dad shacab ah kasoo gaaray duqeynta iyo weerarka Alshabaab ku qaadeen saldhigga Balidoogle. “Kooxdan waxay mas’uul ka tahay inay si joogto ah halis u geliso nolosha dadka rayidka ah, Saaxiibadeen Soomaaliya waxay sii wadaan horumarka ay ka gaarayaan dagaalka Alshabaab, anaguna waxaan sii wadi doonnaa cadaadiska aan ku heyno..” ayuu yiri Gen. Gayler.