Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ee AFRICOM ayaa faahfahin ka bixiyey duqeyn cusub oo shalay 6-dii April uu ka fuliyey magaalada Jilib, ee Gobolka J/Dhexe, taaoo lala beegsaday kooxda Al-Shabaab.
Waxaana qoraalka Africom ayaa lagu caddeeyay in duqeyntaas lagu dilay shan ka mid ah argagixisada Al-Shabaab. AFRICOM waxay sheegtay inay qiimeeyeen inaan duqeyntaas lagu dilin ama lagu dhaawicin dad shacab ah.
“Innaga oo caawineyna saaxiibadeena Bariga Africa, waxaan yareeneynaa halis dhab oo ah ay wajahayaan Soomaaliya iyo sidoo kale dhulka Mareykanka.. Dadaaladeenna waxay gacan ka gaystaan bad-baadinta Soomaalida, Mareykanka iyo saxiibadeena caalamka. Mas’uuliyaddan si dhab ah ayaan u qaadanaa, waana sii wadi doonnaa inaan cadaadis saarno cadowga,” ayuu yiri afhayeenka AFRICOM Col. Christopher Karns.
AFRICOM ayaa intaas ku dartay inay ka war-hayso warbixino tuhmayo in shacab ay wax ku noqdeen duqeyntii 6-dii April ka dhacday Jilib, ayna dib u eegeyso warbixin kasta oo ku saabsan dhacdada.