Taliska Ciidamada Mareyanka ee Africa (AFRICOM) ayaa shaaciyey inuu fuliyey duqen dhinaca cirka ah iyadoo uu la kaashadya dowladda Federaalka Soomaaliya.
Howlgalkan qorsheysan oo ka dhacay degaanka Kuunyo Barrow ee Gobolka Sh/Hoose ayaa la sheegay in lagu beegsaday kooxda Alshabaab, iyadoo lagu dilay 2 ka mida Alshabaab, laguna burburiyey hal Gaari, iyadoo aanay wax dhibaato ah kasoo gaarin dad shacab ka ah.