Monday, June 23, 2025

Taliska Mareykanka ee Afrika oo shaaciyey in 37 Alshabaab ah lagu laayey Duqeymo ka dhacay Somalia

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika AFRICOM ayaa qoraal ay soo saartay ku shaacisay in laba weerar oo duqeyn ah lagu dilay maleeshiyo ka tirsan Alshabaab oo gaaraya 37.

Labada duqeyn ayaa ka dhacay Gobolka Mudug shalay oo ahayd 19-ka November, iyadoo ay iska kaashadeen dowladda Federaalka iyo Taliska Mareykanka, waxaana qoraalka AFRICOM lagu sheegay inay ka go’an tahay ka hortagga weerarrada Alsahbaab iyo naafeynta awoodda ay u leeyihiin inay weerarro geystaan.

Duqeynta hore ayaa lagu dilay 27 Alshabaab, halka duqeynta labaad lagu dilay 10 maleeshiyo oo Alshabaab, mana jiraan wax qasaare ah oo shacabka kasoo gaaray duqeyntaasi sida taliska Mareykanka uu shaaciyey, iyadoo la weli la qiyaasayo qasaaraha ka dhashay duqeynta.

Ad

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON