Monday, July 14, 2025

Taliska Mareykanka oo beeniyay Askari ay sheegatay Alshabaab inay ku dishay Duleedka Kismaayo

Taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaan AFRICOM ayaa beeniyey sheegasho ay ururka Al-Shabaab

sheegteen in askari Maraykan ah uu ku dhintay duleedka magaalada Kismaayo iska horimaad dhexmaraya maleeshiyadooda iyo ciidamada Kenya iyo Kuwa Maraykanka oo isla socday.

zachary-allan-bannister
Zachary Allan Bannister

AFRICOM ayaa sheegay in sheegashadaasi ay tahay mid aan waxba ka jirin. Askarigaasi oo lagu magacaabo Zachary Allan Bannister ayaa dhintay 17-kii Bishii Oktoobar, waxaana warbaahinta Maraykanku sheegtay inuu ku dhintay saldhig ku yaalla dalka Kenya.

AFRICOM ayaa sheegtay in askarigaasi uusan ku dhimanin dagaal. Alshabaab ayaa hore u shaacisay in askarigan ay ku dileen duleedka magaalada Kismaayo xilli ciidamo uu ka mid ahaa weerar ku soo qaadeen.

Warar laga helayo warbahainta Maraykanka ayaa sheegaya in askarigaasi oo ka hawlgeli jiray saldhig ku yaalla Gobolka Xeebta ee LAMU ay u badan tahay inuu isagu naftiisa waxyeelay.

Maraykanka ayaa la-taliyayaal dhinaca milatariga ah iyo tababarayaal ay ka joogaan Soomaaliya. Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon ayaan ilaa haatan sheegin wax askari Maraykan ah oo ku dhintay Soomaaliya wixii ka dambeeyey 3-dii October sanadkii 1993-kii, markaasi oo 18 askari oo Maraykan ah ay ku dhinteen dagaalkii Marayanku la galay Jeneraal Caydiid.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON