Tuesday, June 24, 2025

Taliska Mareykanka oo ka hadlay xaqiiqada Dilka Abaanduulihii Alshabaab Bashiir Qoorgaab.

Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa ka hadlay geerida taliyihii ciidamada Alshabaab Bashiir Qoorgaab oo la sheegay in lagu dilay duqeyn 22-kii bishii Febraayo ka dhacday degmada Saakow ee Gobolka J/Dhexe.

Afhayeenka AFRICOM ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in Bashiir Maxamed Maxamuud (Qoorgaab) lagu dilay duqeynta, wuxuuna ku eedeeyay inuu mas’uul ka ahaa weerarro ka dhacay Gobollada Soomaaliya iyo gudaha dalka Kenya, kana mid ahaa xubaha ku jira liiska xubnaha aragagxiisada ee la raadinayo.

Afhayeenka AFRICOM Chris Karns ayaa VOA u sheegay in ay dilka Bashiir Qoorgaab uu yahay horumar, geeridiisuna ay Afrika iyo Mareykanka ka dhigeyso mid sidii hore ka Amni badan, isagoo madaxiisa ay saarneyd lacag gaareysa 5 Milyan oo Doolar.

Bashiir Qoorgaab ayaa sidoo kale lala dilay xaaskiisa, iyadoo AFRICOM ay xilligaasi shaacisay in hoggaamiye sare oo Alshabaab ka tirsan, kana mas’uul ahaa weerarkii saldhigga Manda Bay iyo xaaskiisa duqeyn lagu dilay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON