Monday, July 7, 2025

Mareykanka oo qirtay inuu duqeyn ka fuliyey Kunya-barrow & faahfaahinta Ganacsadihii lagu dilay.. [Sawirro]

Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa xaqiijiyey inuu duqeyn ka fuliyey gobolka Sh/hoose, gaar ahaan degaanka Kuunyo Barrow, halkaasoo qof lagu dilay.

Qoraalka Africon ayaa lagu sheegay in duqeyntu ay dhacday 25-ka June, iyadoo lagu dilay maleeshiyo ka tirsan Alshabaab, waxayna intaas ku dareen inay baarayaan haddii dad rayid ah qasaare kasoo gaaray weerarka, baaritaankaasina loo fulin doono sida uu qabo xeerka ciiidamada Mareykanka.

Duqeyntan ayey warbaahinta Alshabaab sheegtay in lagu dila nin ganacsade ah oo caan ka ahaa degaankaasi laguna magacaabi jiray Aboow Cali Waardiyoow, kaasoo xoolo iyo beero ku lahaa degaankaasi kuna shaqeysan jiray gaari uu isagu leeyahay, kaasoo ku duqeeyeen ciidamada Mareykanka.

Aaska ganacsadaha ayaa waxaa ka hadlay ehelkiisa oo sheegay inuusan ka mid ahayn Alshabaab, balse uu ahaa qof shacab ah oo beeraley ah, waxaana xilliga gaarigiisa la duqeeyay uu ku sii jeeday degaankiisa Arabow, waxaana duqeyntu ka dhacday meel 18km u jirta Kuunyo-barrow.

Duqeynta diyaaradaha Mareyakanka ayaa marar badan lagu dilay dad shacab ah, iyadoo ciidamada Mareykanka ay sheegaan inay baarayaan marka kiisaskan oo kale soo baxaan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON