Monday, July 14, 2025

Taliska Mareykanka oo shaaciyay Sababtii ay Duqeynta ugu dileen C/qaadir Kumaandos (Jawaabtii Xasan Daahir)

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrik (AFRICOM) ayaa si cad u sheegtay inuu duqeyn ku dilay taloye sare oo ka tirsanaa Alshabaab C/qaadir Kumaandoos.

Duqeyntan oo 25-kii Ogosto ka dhacay degmada Saakow ayuu Mareykanku shaaciyey laba todobaad kadib inay falkaasi geysteen, laguna dilay Cabdulqaadir Kumaandoos oo ka tirsanaa saraakiisha sarsare ee ururka Al-Shabaab, isagoo ku eedeeyay inuu xilal badan kaso qabtay Alshabaab.

Qoraalka AFRICOM ayaa lagu sheegay in Cabdulqaadir Kumaandoos uu Alshabaab kasoo qabtay jagooyin badan, isla markaana uu Taliye Sare ka ahaa ururka markii u dambeysay. Taliyaha AFRICOM Gen. Sephen Tawsend ayaa sheegay in weerarrada noocaan ah ee lagu beegsanayo wadnaha Alshabaab ay wiiqayaan awoodda ay falal argagixiso iyo qalalaase uga geysan karaan Soomaaliya iyo meelaha ka baxsan.

Dilka Cabdulqaadir Kumaandoos waxaa si weyn uga hor yimid wadaadka Xasan Daahir Aweyd oo u xiran dowladda Soomaaliya o sheegay inuu ahaa nin xanuunsan oo gurigisa iska jooga, wuxuuna Mareykanka ugu hanjabay haddii aysan xaal ka bixin inay cawaaqib xumo socota qarniyaal kala kulmi doonaan. (Akhriso Warkaas)

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON