Friday, July 4, 2025

Sidee Madaxweyne Farmaajo Nuxur la’aan uga dhigay Shirkii Baydhaba ee Qoorqoor, Lafta-gareen iyo Waare?

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday xilliga uu furmayo shirka dhammeystirka Heshiiskii Doorashada Dhuusamareeb III, ka hor inta uusan qabsoomin shirka saddexda madaxweyne Maamul Goboleed ee hshiiskaasi la saxiixday Madaxweyne Farmaajo (Akhri Warkan).

Shaacinta Shirka Muqdisho ee dhacaya 10-ka Bishan Septembar sida uu ku dhawaaqay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka dhigan inuu nuxur la’aan ka dhigay shirkii Bayhdaba ee saddexda Madaxweyne Maamul Goboleed ee K/Galbeed C/casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, iyo Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqooe).

Shirka Baydhaba ayaa la saadaalinayey inay kasoo baxaan qoddobo ay ku gorgortaan saddexda madaxweyne maamul Goboleed ee Farmaajo la saxiixay heshiiskii Doorashada Dhuusamareeb 3, laakiin wuxuu hadda kusoo koobmay wadatashi kaliya oo aanu wax go’aan ah kasoo bixi doonin, ayna heystaan waqti kooban 1 ama 2 maalin ah oo ay isku arkaan.

Madaxweynayaasha Lafta-gareen iyo Waare ayaa maanta Magaalada Baydhaba ka sheegay inuu shirkoodu ku saabsan yahay wadatashi ay ka yeelanayaan Dhammeystirka shirkii Dhuusamareeb III, isla markaana ay isla meel dhigi lahaayeen sida ay u wajahayaan, kadibna ay tegi doonaan Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa marar badan sheegay inaysan waxbka iska bedelin siyaasadda dalka, Dhuusamareeb 3-na ay ka maqnaayeen maamulada ay is hayaan Madaxweynaha Soomaaliya ayna tageen maamulladii taageersanaa.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON