Wasaaradaha Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya iyo Taliska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa War kasoo saaray mushaar la’aan heysata ciidamada xoogga dalka iyadoo markii ugu horeysay qirtay inay jiraan ciidamo aan helin mushaarkoodii.
Wasaaradda iyo taliska ayaa sheegay inay ku howlan yihiin diiwaangelinta Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed si loo loo tayeeyo howlaha ciidanka loona hubiyo xuquuqda ciidanka, waxayna intaas ku dareen in askari walba oo diiwaan-gelintiisa la xaqiijiyay uu qaato mushaarkiisa oo si toos ah loogu shubo koontadiisa bangiga.
Waxay kaloo sheegeen in garaamkii ciidamada loo billaabay, iyadoo 30 doolar oo ah qoondada raashinka askarta si toos ah loogu shubo koontada uu askarigu bangigiisa ku leeyahay, taasoo maalintii ah 1 Doolar, marka la xaqiijiyo diiwaan-gelintiisa.
Wasaaradda iyo taliska waxay sheegeen in askarigii la diiwaangeliyay ee aan weli helin xaquuqdooda billaha uu ogaado inuu socda xaqiijin rasmi ah, sidoo kale waxaa wali socda diiwaan-gelinta ciidanka, waxaana ciidamada la diiwaan-geliyay lagu amray inuu ku sugnaadaadaan goobtooda shaqada.
Inta ay socoto diiwaan-gelintu waxaa laga codsan doonaa ciidamada qaarkood in ay yimaadaan goobo ku dhow goobtooda shaqo, sida kuwa dhanaane oo lagu diiwaan-gelin doono Jazeera, kadibna ay dib ugu laaban doonaan goobtooda shaqo.
Wasaaradda Gaashaandhiga iyo Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ciidanka ku wargeliyay inta ay diiwaan-gelinta socoto askari walba uu ku uu heli doono xuquuqdiisa oo buuxda marka ay soo dhammaata diiwaan-gelinta, iyadoo aan la sheegin xilliga ay so dhammaaneyso diiwaan gelinta.