Wednesday, June 25, 2025

Taliyaha & Abaanduulaha Cusub ee Ciidamada Milateriga si rasmi ah xilalkii ula wareegay [SAWIRRO]

Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga dalka Gen. Daahir Aadan Cimi (Indha-qarshe) iyo Abaanduulaha cusub ee Ciidankaasi Gen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa maanta si rasmi ah Xilka u wareegay, kadib munaasabad ka dhacday Xarunta Waxaaradda Difaaca Soomaaliya.

Munaaasabadda, ayaa waxaa kasoo qeyb galay Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Taliyeyaasha Ciidanka Booliska iyo Asluubta, Taliyahii hore iyo Abaanduulihii hore ee Ciidanka Xoogga, Saraakiil ka socotay Wadamada saaxiibka la ah Soomaaliya iyo marti sharaf kale.

Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga dalka S/Gaas C/weli Jaamac Gorod ayaa waxaa uu munaasabada ka sheegay in muddadii uu xilka hayay uu waxbadan ka badalay shaqada taliska, isagoona tilmaamay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu maanta wareejiyo xilka taliyaha ciidanka xoogga dalka.

Taliyaha cusub ee Ciidanka xoogga dalka S/Gaas Daahir Aadan Cilmi Indho-qarshe, ayaa  sheegay in uu ka shaqeyn doono siddii dalka oo dhan nabadiidka Al-shabaab looga Xoreen lahaa.

Wasiirka Wasaaradda Gaashandhigga XFD Mudane Xasan Cali Maxamed, ayaa faray Saraakiisha inay si daacad ah ula shaqeeyaan Taliyah cusub ee ciidanka xoogga dalka, isagoona xusay  in dhankiisa  uu si dhow ula shaqeyn doono.

Image may contain: 3 people, people standing and outdoor

Image may contain: 2 people, people sitting

Image may contain: one or more people and people sitting

Image may contain: 2 people, people standing

Image may contain: 4 people, people sitting and indoor

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON